Muqdisho (Sh. M. Network)- Fadhigii 4 aad oo qeyb ka ah Kalfadhiga 2 aad ee baarlamaanka Aqalka Sare ay maanta ku yeesheen Magaalada Muqdisho, Ayaa waxaa soo Xaadiray 46 Senator.

Kulanka waxaa shir guddoomiyayay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, iyadoo xildhibaanada Aqalka Sare ay maanta Doorteen xubinta guddiga dib u eegista Dastuurka oo uu dhawaan baneeyay Senator C/raxmaana Sheikh Maxamed Faroole.

Waxaana loo doortay Xildhibaan Cabdullaahi Sheikh Ismaciil Fartaag, kadib Doorasho uu la galay 4 Senator oo ka mid ah xubanaha Aqalka Sare, kuwaasi oo kala ahaa:-

1 Xildhibaan Shukri Aadan Maxamed

2 Xildhibaan Cabdiwaaxid Cilmi Cumar ( Goonjeex )

3 Xildhibaan Saciido Xassan Cismaan

4 Xildhibaan Cabdullaahi Sheikh Ismaciil Fartaag oo loo doortay xubinimada guddiga dib u eegista Dastuurka labada Gole ee baarlamaanka.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ku dhawaaqay Natiijada Doorashada xubintaasi, islamarkaana sheegay in uu ku Guuleystay Senator Fartaag.

Intaasi kadib Senator Cabdullaahi Sheikh Ismaciil Fartaag ayaa kaga mahadceliyay xubnaha baarlamaanka Aqalka Sare sida Kalsoonida leh ay ku Doorteen, isagoo ballan qaaday in uu si wanaagsan uga shaqeyn doono arrimahaha dib u eegista Dastuurka Dalka.