Baydhabo ( Sh. M. Network )-Senotaro ka tirsan Golaha Aqalka Saree BFS, gaar ahaan xubnihii loo diray K/ Galbeed  ayaa kulan gaar ah la qaatay ku simaha madaxweynaha maamulkaasi Maxamed Xasan Fiqi, Odayaasha dhaqanka,  Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka K/ Galbeed Soomaaliya, kaas oo looga hadlay arrimaha xal u raadinta khilaafka u dhexeeya dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada dalka.

Sidoo kale kulkan ayaa diirada lagu saaray tabashada  dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ka ay qabto dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Senator Axmed Macalin Axmed Nadiir oo xubin ah ka ah Wuufuuda loo dilay maamulkaasi ayaa faah faahin ka bixiyay kulankaasi.

Waxaana uu sheegay in madaxda K/ Galbeed iyo Waxgaradkuba ay soo dhaweeyeen dadaallada lagu doonayo in lagu dhameeyo khilaafka jira.

Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa wada dadaallo lagu xalinayo khilaafka xoogan ee soo kala dhex galay madaxda dowladda dhexe iyo hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada, kaas oo saamey ku yeeshay xiirirka labada dhinac.