Muqdisho ( Sh. M. Network )- Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo ah Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka labada Gole ee Baarlamaanka oo maanta shir jaraa’id ku qabtay M/ Muqdisho ayaa 33 cisho kadib markale ka hadlay weerarkii lagu qaday Gurigiisa.

Waxaana uu sheegay in weli aysan jirin wax laga qabtay weerarkaasi oo ay fuliyeen Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa hoosta ka xariiqay in wax laga xumaado ay tahay arrintaasi.

Waxaana uu ka codsaday xildhibaanada labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya in ay guddi u saaran arrintiisa.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.