Muqdisho ( Sh. M. Network )-Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay aragtidooda ku aadan go’aankii madaxda maamul goboleedyada ay ku hakiyeen wadashaqeyntii kala dhexeysay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Dadkani oo la hadlay Shabelle ayaa marka hore wax laga xumaado ku tilmaamay tallaabadaasi, waxaana ay ka digeen sii socoshada khilaafkan cusub.

Sidoo kale waxa ay tilmaameen in xilligan aan looga baahneen madaxda dalka kala fogaansho iyo muran siyaasadeed intaba.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.