Muqdisho ( Sh. M. Network )-Qaar ka tirsan shacabka ku nool magaalada Muqdisho, ayaa si weyn u soo dhaweeyay go’aankii ka soo baxay shalay guddoomiyaha maxkamadda sare, Baashe Yuusuf Axmed oo ku aadan isbedelka lagu sameeyay nidaamka Garsoorka dalka.

Dadkan oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa muujiyay aragtidooda la xiriirta go’aanka guddoomiyaha oo ah in la hirgeliyay barnaamij cusub oo lagula soconaya go’aanada maxkamadaha dalka.

Nidaamkan cusub ayaa rajo weyn laga muujiyay in uu wax badan ka bedeli doono cabashada la xiriirta cadaalad darro ay shacabka Soomaaliyeed sheegeen in ay ka jirtay maxkamadaha dalka.

Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare Baashe Yuusuf ayaa ballan qaaday in uu wax ka qabanayo cadaalada darrada ka jirta maxkamadaha, waxaana uu Garsoorayaasha ugu baaqay in ay si hufan ugu adeegaan shacabka.