Addis Ababa ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo Ethiopia ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay deegaanka Guuleed oo u dhexeeya dhulka ay dagaan Oromada iyo Soomaalida ee dalkaasi lagu gowracay illaa 5 ruux oo Soomaali ah.

Sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka shantaasi Qof ayaa waxaa gowracay maleeshiyaad hubeysan oo ka tirsan qowmiyadda Oromada Ethiopia, kuwaasi oo weerar ku qaaday deegaankaasi oo ay daganaayeen qowmiyadda Soomaalida Ethiopia, kadibna halkaasi ay ku gowraceen dadkaasi.

Dagaallada u dhexeeya labada qowmiyadood ayaa marar badan ku soo noq noqotay deegaanada xadka ay wadaagaan Oromada iyo Soomaalida ee dalka Ethiopia.

Illaa iyo haatan ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda dhexe ee Ethiopia iyo maamul goboleedyada Oromada iyo Soomaalida oo lagu qaboojinayo xiisadani cusub ee ka dhex aloosan Qowmiyadahaasi.

Ra’iisul wasaaraha cusub ee Ethiopia Abiy Axmed ayaa horay u gaaray deegaanada Oromada iyo Soomaalida, si xal waara looga gaaro khilaafka labadaasi qowmiyadood.