Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wasaraadda shaqada iyo arrimaha bulshada Soomaaliya ayaa shaacisay in maanta la fasaxay dhamamaan shaqaalaha hay’adaha XFS iyo kuwa gaarka loo leeyahay, sababo ku aadan Ciida sanadka cusub ee Hijriyada 1440.

War ka soo baxay wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa lagu sheegay fasaxa maalintan, oo ku weyn ummadaha Islaamka.

Sidoo kale Wasaaradda ayaa ugu hambalyeysay bilashada sanadka cusub ee Hijriyada dhammaan Muslimiinta meel weliba oo ay joogaan.

Halkan hoose ka Akhriso:-