Baydhabo (Sh.M.Network) – Shariif Xasan Aadan ayaa kaga dhawaaqay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamulka Koonfur Galbeed inuu iska casilay xilka Madaxwaynaha ee dowlad goboleedkaan.

Sidoo kale, Shariifka ayaa shaaciyay inuu gabi ahaanba isaga haray tartanka doorashada ee maamulkaan, taasi oo la filayo inay qabsoonto 17-ka bishaan November, xili ay naga xigto kaliya maalmo.

Shariif Xasan ayaa xilka Madaxwaynaha wuxuu ku wareejiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, Cabdiqaadir Shariif Sheekhunaa Maye, kaasi oo xilkaan sii hayna inta laga doonayo Madaxwaynaha xiga.

Shariifka ayaa xilka Madaxwaynaha wuxuu hayey tan iyo sanadkii 2014-kii, markaasi oo loo doortay jagada ugu sareysa Koonfur Galbeed oo ka kooban saddex gobol oo kala ah; Shabellaha Hoose, Bay iyo Bakool.

Tani ayaa ka dhigan in doorashada Madaxwaynaha maamulkaan ay haatan ku loolami doonan murashaxiin ay ku jiraan Mukhtaar Roobow, Cabdi Casiis Lafta Gareen, Xuseen Calool-kuus iyo xubno kale.

Maalmo kahor ayay ahayd markii xubno ka tirsan Guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed ay ku dhawaaqeeen inay is-casileen, taasi oo hubanti la’aan iyo jahwareer siyaasadeed abuurtay.

Hoos ka akhriso warqada is-casilaadda