Muqdisho ( Sh. M. Network)-Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa la soo warinayaa in uu isku dhiibay Maamulka Koofur Galbeed.

Wararka laga helayo degmada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa ku soo warramaya in halkaas uu gaaray Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur iyadoona ay ku soo dhaweeyeen Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Koofur Galbeed oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha Maamulkaasi Shariif  Xasan Sheekh Aadan sida ay Shabelle u xaqiijiyeen Ilo ka tirsan Maamulka Koofur Galbeed.

Sida kale wararka ayaa intaas ku daraya in Abuu Mansuur uu kaligiis isku dhiibay Ciidamada Maamulka Koofur Galbeed halka Ciidamadiisa la sheegay in ay ku sugan yihiin deegaanka Abal ee Gobolka Bakool.

sidoo kale waxaa gaaray degmada Xudur ee Gobolka Bakool Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed iyo Taliye ku xigeenka Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka ( NISA) kuwaas oo iyaguna lagu soo warramayo in kulamo ay laleeyihiin Sheekh Mukhtaar Abuu Mansuur.

Ma jiro weli war rasmi ah oo Maamulka Koofur Galbeed ay ka soo saareen isi soo dhiibista Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur.