Kampala ( Sh. M. Network )-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo Wareysi siiyay TV-ga Al Carabiya ayaa kaga hadlay khilaafka xoogan ee xilligan ka dhex aloolsan dowladaha Imaaraadka iyo Soomaaliya.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in labada dal uu ka dhexeeyo xiriir qoto dheer, waxaana ugu baaqay labada dowladood in ay si hoose u xaliyaan isfaham waaga soo kala dhexgalay.

Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay in wax waliba lagu dhameeyo wadahadal, isagoona ka digay sii socoshada khilaafkaasi.

Xiriirka Imaaraadka iyo Soomaaliya ayaa sii xumaanayay maalmihii dambe, iyadoona shalay dowladda Imaaraadku ay joojisay howlihii tababar oo ay ka waday Soomaaliya.