Muqdisho ( Sh. M. Network )-Waxaa goor dhow shil diyaaradeed oo khasaaro geystay uu ka dhacay Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Shilkan ayaa yimid kadib markii diyaarad uu leeyahay Ururka Midowga Yurub ay ku dhacday diyaaradda Galeyr Airline, taas oo ku jirtay qeybta Baakinka ee Garoonka.

Ilo ku dhow Garoonka ayaa sheegay in khasaaro Nafeed uusan ka dhalan Shilkaasi, balse uu burbur xoogan soo gaaray diyaaradda Galeyr Airline oo ah mid Rakaab ah.

Halkan kala soco wixii soo kordha:-