Baladweyne (Sh M Network)—Wararka laga helayo Magaalada Baladweyne ayaa sheegaya in Shil geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay Duleedka Xarunta Gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Shilkan ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen Gaari nuuca xamuulka qaada ah iyo mid kale oo nuuca raaxada xili ay marayeen Degaanka Holimoog oo qiyaas ahaan 9 km u jira Magaalada Baladweyne.

Dadka Degaanka qaarkood oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay ugu yaraan labo ruux in ay ku dhinteen , islamarkaana 3 kale uu dhaawac ka soo gaaray Shilkaasi.

Waxaa sidoo kale ay tilmaameen in dadkii ku dhaawacmay Shilka dhaawacyadooda loola soo cararay Isbitaallada ku yaalla Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Shilalka inta badan ka dhaca Gobolada Dalka ayaa loo aaneeyaa dareewalada qaarkood kuwaasi oo aan wax qibrad ah u la heyn ka xeynta Gaadiidka iyo waddooyinka qaarkood ah oo kuwa burbursan oo  aan wax dayactir ah lagu sameyn tan iyo markii ay burburtay Dowladii Dhexe.