Gaalkacyo (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shil khasaaro geystay oo xalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Shilkan ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen Mooto Bajaaj iyo gaari weyn oo ah kuwa xamuulka qaada oo marayay waddada Astaan Hobyo ee magaaladaasi.

Ugu yaraan illaa afar Qof ayaa ku dhaawacantay shilkaasi, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Dadka dhaawacmay oo qaarkood ay soo gaartay waxyeelo xoogan ayaa lagu dabiibayaa mid ka mid ah isbitaallada magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Halkan hoose ka dhageyso Warbixinta.

il