Jowhar ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay Shil khasaaro geystay uu ka dhacay nawaaxiga Garoonka Cisaley ee Gobolkaasi.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in uu rogmaday Gaari Xamuul ah oo ay la socdeen dad shacab ah, kana soo ambabaxay deegaanka Ceel Macaan ee Gobolka Shabeelaha Dhexe

Waxaana uu tilmaamay in 9 Qof oo ka mid ahaa Rakaabka Gaariga ay waxyeelo ka soo gaartay Shilkaasi, kuwaas oo loo soo qaaday Isbitaalka Keysaney ee Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa uu xusay in dhaawacyada qaar ay yihiin kuwa halis ah, islamarkaana haatan laga deyrinayo xaaladooda caafimaad.

Shilalka Gaari ee ka dhaca Wadada Xiriirisa Muqdisho iyo deegaan Xeebeedka Ceel Macaan ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ah kuwa soo laa laabtay, waxaana loo sababeeyaa bur burka Wadaadaas oo aan in muddu ah helin wax dayactir ah.