Mahadaay (Sh. M. Network)-Wararka laga helayo Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in Shil khasaaro geystay uu ka dhacay duleedka Degmada Mahadaay ee Gobolkaasi.

Shilka ayaa yimid, kadib markii Gaari nuuca xamuulka qaada oo si xawli ah ku socday uu ku Rogmaday nawaaxiga degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Seddex Qof ayaa ku Geeriyootay Shilkaasi, sida Idaacadda Shabelle ay u xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka deegaanka.

Inta badan deegaanada Hirshabelle waxaa ku soo laa laabta Shilalka Gaari oo loo sababeeyo burburka Wadooyinka oo aan in muda ah helin wax dayactir ah.