Amman ( Sh. M. Network )-Shirkan oo looga hadlayo ka hortaga maalgelinta iyo taageerada Kooxda Daacish ee ku sugan dalal ay Soomaaliya ka mid tahay ayaa si rasmi ah uga socda magaalada Amman ee Caasimada dalka Jordan.

Waxaana ka qeyb galaya shirkaasi wakiilada illaa iyo 110 dal , iyadoona diirada lagu saarayo  sidii cuna-qabateyn loo saari lahaa ilaha ay maalgelinta ka hesho Kooxda Daacish .

Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Jordan, ahna gudoomiyaha ka hortaga maalgelinta Kooxaha loogu yeero Argagixisdda Ziad Fariz oo ka hadlayay furitaanka shirkaasi ayaa sheegay in illaa iminka guulo la taaban karo laga gaaray ka hortaga meelaha ay daqliyada ka soo gali jireen Kooxda Daacish.

Dhanka kale Kaaliyaha xoghayaha ka hortaga Maalgelinta kooxda Argagixisada ah ee Wasaaradda Maaliyadda dalka Mareykanka ayaa ku amaanay Bankiga Dhexe ee Jordan sida uu xariirka dhow ula leeyahay Diblomaasiyiinta ka socda Mareykanka ee ka howlgala dalkaasi.

Waxaana uu sheegay in ay qorshaynayaan sidii ay diirada u saari lahaayeen dhaq dhaqaaqyada ay Kooxda Daacish ka wado Dalalka Soomaaliya, Tunisia, Libya iyo Sudan.

Dhawaan ayey ahayd markii Mareykanku uu Cuna-qabateyn saaray Shirkado Ganacsi iyo Shaqsi Soomaaliyeed oo ay ku eedeeyeen  in ay Maalgeliyaan Kooxda Daacish.