Doolow ( Sh. M. Network)-Shir ka dhan ah madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” ayaa haatan ka socdo Magaalada Doolow ee Gobolka Gedo.

Waxaana shirkaasi soo qaban qaabiyay Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan “Janan” iyadoo ay ka qeyb galayaan xubno ka tirsan Baarlamaanka Maamulkaasi Jubbaland.

Wasiir Jaran ayaa horay uga horymid shirka Kismaayo ee uu soo qaban qaabiyay madaxweyne Axmed Madoobe, waxaana uu sheegay in xilligan aan loo baahneyn in lagu qabto Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Xildhibaanada iyo madaxda ka qeyb galeysa shirka ka socda Doolow ayaa si aad ah uga hadlaya arrimahaasi, iyo kuwa kale oo la xariira Maamulkaasi Jubbaland.

Waxaana arrimahan ay ku soo aadayaan, xilli shirka madaxda Maamul Goboleedyada la filayo saacadaha soo aadan in lagu soo gabagabeeyo Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.