New Dalhi  ( Sh. M. Network )-Magaalada New Dalhi ee Dalka Hindiya ayaa waxaa ka dhacay Shir looga hadlay arrimaha argagixisada iyo maal-gelinta Ururo ka dagaallama Dalal dhowr ah oo ay ku jirto Soomaaliya.

Shirkan oo ay isugu yimaadeen Madax ka socoto Dowladdaha Brazil, Russia, India, China iyo South Africa ayaa xooga lagu saaray sidii looga hortagi la haa Ururada Taalibaan, Al Qaaeda, Daacish iyo Xarakada Al Shabaab.

Madaxdii ka qeyb gashay shirkaasi oo soo saaray 71 qodob ayaa waxey soo dhaweeyeen taageerida Qaramada Midoobay ay ku bixineyso nabadeynta Dalka Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale ay bogaadiyeen howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, kaasi oo ka socda Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Madaxdan qaarkood ayaa shirka ka sheegay in muhiim ay tahay in laga adkaado Xarakada Al Shabaab oo weli ku sugan qeybo ka mid ah Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale ay shaaciyeen in ay taageerayaan daadallada mudada qaatay ee ka socdo Soomaaliya, maadaama ay xuseen in Soomaaliya ay u baatahay taageero, si ay uga guuleysato Xarakada Al Shabaab.

Sikastaba, Shirkan ka dhacay Dalka Hindiya ayaa looga hadlay arrimaha Ururada kale ka dirira Dalalka Afgaanistaan, Pakistaan, Iraq iyo Syria.