Garoowe ( Sh. M. Network )-Shir u dhaxeeyay Wasaaradda Maaliyadda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleeyada ayaa lagu soo gaba gabeeyay magaalada Garowe, kaas oo socday muddo labo maalmood ah.

Shirkan ayaa looga hadlayay dhaqaalaha dalka iyo mideynta canshuuraha guud ee Soomaaliya, waxaana ka qeyb galay Wasiirka Maaliyadda dowladda Federaalka, Wasiirada Maaliyadda maamulada Puntland, Galmudug, Hirshabeelle, Koofur Galbeed iyo Jubbaland.

Waxaa gabagabadii shirka laga soo saaray war murtiyeed ka kooban 9 qodob oo lagu heshiiyay hanaanka maamul maaliyadeed ee Soomaaliya, isku xirnaanta maamulada iyo dowladda dhexe ee dhanka dhaqaalaha, in la wadagao kheyraadka guud ee dalka iyo deeqaha dibadda ay ka hesho dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa la mideeyay canshuuraha laga qaado Qaadka iyo sigaarka, waxaana la isku raacay in halkii Mijin ee Qaadka lagu canshuuro $2.5, halka Kartoon Sigaarkana la canshuuro $30.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in heshiis guud laga qaatay in si siman loo qaado canshuuraha ay qaadaan dowladda Dhexe iyo dowlad goboleedyada, waxaana uu soo dhoweeyay is fahamka laga gaaray shirka Mideynta Canshuuraha Dalkia.

Halkaan hoose ka daawo sawirrada:-