Kismaayo ( Sh. M. Network )-Waxaa dhawaan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ka furmaya shir looga hadlayo xaaladda ammaan ee dalka, kaas oo ay ka qeyb galayaan mas’uuliyiin ka tirsan DFS iyo kuwa maamul goboleedyada dalka.

Shirka oo ah mid ballaaran ayaa waxaa haatan qaban qaabadiisu ay ka socotaa magaalada Kismaayo ee xarunta KMG maamulka Jubbaland.

Wasiirka aminga ee maamulkaasi C/raashiid Xasan Nuur “Janan” oo la hadlay warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyay shirkaasi.

Waxaana uu sheegay in looga hadlayo arrimo ay ka mid yihiin ammaanka dalka iyo sidii Ciidamada Xoogga ay aminga ugala wareegi lahaayeen Ciidamada AMISOM.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.