Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wakiilka gaarka ah ee Midowga Africa Ambassador Fransiska Madera oo ka hadlayay fuiritaanka shir looga hadlayo sidii looga hortagi lahaa weerarada qaraxyada ah ee Al Shabaab ay ka geystaan gudaha dalka, kaas oo ka socda Xerada Xalane ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in awoodooda dhan ay iskuugu geynayaan sidii loo yareyn lahaa waxyeelaya Ciidamada iyo Shacabka Soomaaliyeed ka soo gaarta qaraxyadaasi.

Mr Madera ayaa xusay in qaraxyadu ay caqabad weyn ku yihiin geedi socodka nabadeynta Soomaaliya, waxaana uu ku baaqay in lala yimaado xal muuqda oo wax looga qabanayo weeraradaasi qaraxyada ah.

Sodoo kale Ergeyga ayaa intaasi ku daray in qaabka kaliya ee lagu joojin karo qaraxyada ay tahay in la sameeyo siyaadsad mideysan oo lagu wajahayo ka hortaga weeraradaasi.

Shirkani oo ay maalgalineyso dowladda UK ayaa waxaa ka qeyb galaya saraakiil ka kala socota AMISOM iyo dowladda feredaalka ah ee Soomaaliya.

Al Shabaab ayaa aalaba weeraro qaraxyo ah ka geysta gudaha magaalada Muqdisho, kuwaas oo waxyeelada ugu badan ay ka soo gaarto dadka Rayidka ah.