Muqdisho ( Sh. M. Network )-Waxaa maanta la filayaa in la soo gabagabeeyo shirka Aminga Qaranka ee u dhaxeeya Madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada dalka, kaas oo maalintii 3-aad ka socda M/ Muqdisho.

Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxa looga hadlayaa xaaladda ammaan ee dalka, hanaanka ay u dhaceyso doorashada dalka ee sanadka 2020-ka ,dib u eegita Dastuurka iyo arrimo kale.

Waxaana shir guddoominaya madaxwweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo, iyadoona ay ka qeyb galayaan dhammaan Madaxda Dowlad Goboleedyada, Guddoonka Gobolka Banaadir, wasiiro, Lataliyeyaal Arimaha amniga iyo doorashooyinka.

Shirka Golaha Amniga Qaranka ayaa noqonaya kii 6-aad oo Goluhu yeesho tan iyo markii lagu dhawaaqay, waxaana la filayaa in ay kasoo baxaan qodobbo muhiim ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maalintii Isniinta furay shirka amniga Qaranka, waana madasha kaliya ee haatan ay si joogta ah ugu kulmaan Madaxda Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed, waxa uuna leeyahay guddiyo hoosaad iyo xeer anshax.