Dhuusamareb ( Sh. M. Network )-Waxaa maanta magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ka furmay Shirka amniga ee maamulka Galmudug.

Shirkan oo socon doono muddo 3 Cisho ah ayaa waxaa ka qeyb galaya guddiga amniga ee deegaanada maamulkaasi iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxa Xuukuumadda Galmudug Sheekh Axmed Shaakir Cali Xasan oo daah-furay shirkaasi ayaa sheegay in uu socon doono muddo 3 Cisho ah.

Waxaana uu xusay in looga hadli doono ammaanka guud ahaan Galmudug iyo sidii Al Shabaab looga saari lahaa deegaanada maamulkaasi.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.