Kismaayo ( Sh. M. Network )-Waxaa maanta lagu wadaa in Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose lagu soo gabagabeeyo shirka madaxda Maamul  Goboledyada uga socday Magaaladaasi.

Shirkan oo ay isugu yimaadeen madaxda maamullada Puntland, Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo marti galisay ayaa waxaa ay uga arrinsanayeen khilaafka Siyaasadeed ee soo kala dhex galay maamul Gobleedyada iyo dowladda dhexe.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” oo ka hadlay shirka ayaa  sheegay in ay muhiim tahay in xal laga gaaro murankii ka dhashay mowqifka dowladda dhexe ay ka qaadatay khilaafka wadamada Khaliijka oo maamullada qaarkood ay dhinac mareen.

Si kastaba shirkan ayaa la filayaa in saacadaha soo socdo la soo gabagabeeyo, lagana soo saaro War Murtiyeed ku aadan waxyaabihii ay ku heshiiyeen madaxda maamul Goboleedyada dalka.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay dowladda dhexe ee federaalka oo ku aadan shirka Kismaayo.