Muqdisho ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa daah-furay shirka wasiirada amniga dowlad goboleedyada,  kaas oo maanta ka furmay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalaya wasiirada amniga iyo taliyeyaasha maamullada K/ Galbeed, Galmudug, Puntland iyo Jubbaland oo marti galineysa kulankaasi.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa furitaanka shirka ka sheegay in ay wasiirada iyo taliyeyaashu qiimayn ku samayn doonaan xaalada amni, kadibna ay go’aamo ka gaari doonaan howlaha horyaala oo ay ugu muhiimsan tahay dhismaha Ciidamada ay sameysanayaan golaha iskaashiga dowlad goboleedyada dalka.

Sidoo kale Madaxweynaha Jubbaland ayaa tilmaamay in maamul goboleedyadu hadba sida ay ugu kala muhiimsan yihiin dhinaca amniga howlgallada loo qeybsan doono, isla markaana laga saari doono Al Shabaab.

Waxaana uu intaasi ku daray in haatan ay hoos u dhacday awooda Al Shabaab, balse ay wali yihiin caqabad jirta oo xal u baahan.

Ugu dambeyn  waxa uuka hadlay arrimaha dib u heshiisiinta dalka oo uu xusay in ay muhiim tahay in la helo dib u heshiisn dhab ah, si looga gudbo xaaladaha adag ee weli ka jira qeybo ka mid ah Soomaaliya.