Muqdisho ( Sh. M. Network )-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa ,Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay in uu dib u dhac ku yimid shirweynaha wadatashiga nabadeynta G/ Banaadir, kaas oo la filyay in beri uu ka furmo Magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Taabid ayaa tilmaamay in cilado farsamo aawgeed uu u baaqday shirkaasi, inkastoo uusan shaaacin xilliga rasmiga ee la qaban doono.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa si kulul uga hadlay dilal xalay degmada Xamarweyne loogu geystay illaa 2 dhalinyaro ah , kuwaas oo ka mid ahaa dadka deegaanka.

Waxaana uu ka codsaday shacabka Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan Laamaha Ammaanka, si loo hortato dilalka qorsheysan iyo weerarada ka dhaca Magaalada Muqdisho.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka.