Cadaado ( Sh. M. Network )-Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta iyo waxgaradka ka soo jeeda deegaanada Galmudug ayaa dhaliila kala duwan u jeediyay madaxda maamulkaasi, taasi oo ku aadan in lagu takri falayo awoodihii maamulkaasi

Injineer Axmed Salaad Aw Aadan oo ka mid ah Siyaasiyiintaasi ayaa eedeyn kulul dusha kaga tuuray madaxweyne Axmed Ducaale Gelle Xaaf.

Waxaana uu sheegay in markii hore uu ku fududaay awooda xad dhaafka ah ee uu siiyay maamulka Ahlusunna Waljaamaca, taasi oo waqtigan abuurtay is qab qabsiga u dhaxeeya madaxda Galmudug.

Dhankiisa Xildhibaan hore Cali Maxmuud Faarax Seeko ayaa tilmaamay in maamulka hadda jira ee Galmudug waqtigani uu ka hooseeyo maamulkii C/kariin Xuseen Guuleed, islamarkaana uu fashil badan uuu ka muuqdo madaxweyne Xaaf.

Tan iyo markii ay heshiiska wada saxiixdeen Galmudug iyo Ahlusunna aya waxaa soo baxayay dhaliilo loo jeedinayo hoggaanka Gallmudug oo awooda dheeraad ah siiyay Ahlusunna, taasi oo ay dad badan u arkaan in ay caqabad ku keeni karto jiritaanka maamulkaasi Galmudug.