Xilldhibaan Hore, Cali Seekow

Muqdisho (Sh.M.Network) – Siyaasiyiintani iyo Wax-garadkani oo maanta ka qaybgalayey Barnaamijka Maxaa ka run wixii ka sheegay, ayaa waxay soo dhaweeyeen isbedalka ka hanaqaadaya degaanada, dowlad degaanada iyo maamul goboleedyadda dalka.

Isbedalka ayey ku doodeen inuu dalka uhorseedi karo horumaro kala duwan iyo midnimo, taasi oo dowladda Federaalka ka saacideysa in guud wadanka ay gaarsiiyo mashaariicyo kala duwan iyo adeegyadda ay uga haaban yihiin Shacabka Soomaaliyeed.

Xilldhibaan Hore, Cali Seekow, ayaa ku tilmaamay in isbedalka ka hanaqaaday Koonfur Galbeed qodax ku taagneed Shacabka Koonfur Galbeed, isaga oo cod dheer ku qeexay in dowlada Dhexe haatan looga fadhiyo inay ubedasho isbedalkaasi guulo.

Dhinaciisa, Suldaan Cabdi Kariin Macalin Xasan, ayaa farta ku fiiqay in Hanaanka 4.5 iyo dowlad goboleeyadda ay yihiin caqabadaha ku hor-gudban dalka, isaga oo xusay in  hadii la turxaan bixiyo wadanka uhorseedi karto dowladnimo loo dhan yahay oo bixisa adeegyada looga baahan yahay.

Hoos ka dhageyso warka oo Cod ah