Jowhar ( Sh. M. Network )-Siyaasiga Axmed Salaad Aw Aadan ayaa  uga digay Siyaasiyiinta ka soo jeeda Hirshabelle in ay Kacdoon Siyaasadeed ay ku sameeyaan Madaxweynaha Cusub ee Maamulkaasi Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare.

Waxa uu sheegay Engineer Axmed Salaad Aw Aadan in ay jiraan Siyaasiyiin uu ka warqabo in ay wadaan abaabul Siyaasadeed oo ka dhan ah Madaxweynaha Cusub ee Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare, taas oo wiiqeysa dadaaladda dib uu ugu soo kabanayo Maamulkaas oo tan iyo markii la aasaasay wax la taaban karo oo u qabsoomay aanu jirin.

Waxaana uu ku nuux nuuxsaday in Dr Waare uu yahay Hoggaamiye karti leh oo ka soo dhalaali karo xilka loo igmaday, loona baahan yahay in lagu gacansiiyo.

Sidoo kale Siyaasiga Axmed Salaad Aw Aadan ayaa ugu baaqay Madaxweynihii hore ee maamulka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble in uu la shaqeeyo hoggaanka Cusub, islamarkaana uu ka waantoobo in uu ka hor yimaado.

Baarlamaanka Hirshabelle ayaa dhawaan doortay Madaxweyne Cusub, kadib markii ay horay Kalsoonidii kala laabteen Madaxweynihii Maamulkaas oo ay ku eedeeyeen xil gudasho  la’aan.