Buuhoodle (Sh. M. Network)-Afhayeenka ciidamada maamulka Soomaaliland oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Buuhoodle ayaa sheegay in dagaalkii dhawaan ka dhacay Magaaladaasi uusan ahayn dagaal dhexmaray laba maleeshiyo Beeleed, Balse uu ahaa mid ay Puntland ku soo qaaday Ciidankooda.

Waxaana uu tilmaamay in la dilay 4 Askari oo ka mid ahaa ciidamadii weerarka soo qaaday sida uu hadalka u dhigay.

Sidookale Afhayeenka ayaa hoosta ka xariiqay in masuuliyadda dagaaladaasi ay qaadi doonaan madaxda maamulka Puntland oo uu ku eedeyay in ay dhabaato ka wadaan Magaaladaasi Buuhoodle.

Hadalkaan ka soo baxay Soomaaliland ayaa imaanaya, xilli dhawaan Puntland ay sheegtay in 2 maleeshiyo beeleed ay ku dagaalameen Duleedka Magaalada Buuhoodle, kuwaasi oo ay ugu baaqday in ay joojiyaan dagaalka.