Khartoum  ( Sh. M. Network )-Saraakiisha ammaanka ee dalka Suudaan ayaa sheegay in ay soo badbaadiyeen illaa iyo 177 Qof oo muhaajiriin Afrikaan ah, kuwaasi oo gacanta ugu jiray kooxo Magafayaal ah.

Maj. Gen. Ibrahim Abdel-Rahim oo ah agaasimaha Booliska magaalada Khartoum ee Caasimadda dalkaasi ayaa xaqiijiyay in kadib howlgal ballaaran oo sameeyeen ay ku soo badbaadiyeen Tahriibayaashaasi oo gacanta ugu jiray kooxaha wax Tahriibiya.

Agaasimaha aya intaasi ku daray in Ciidamadu ay ku guuleysteen in dadkasi ay ka soo daayaan illaa 6 Guri oo si qarsoodi ah loogu heystay, kuwaas oo ku yaalla bariga magaalada Khartoum ee Caasimadda dalkaasi.

Dowladad Suudaan ayaa sidoo kale sheegtay in dalkaasi muddooyinkii dambe ay ay ku soo xoogeysanayeen Shabakado isku xiran oo ka shaqeeya Tahriibka iyo Socdaalka sharc idarrada ah, iyadoona dalka Suudaan la sheegay in uu ka mid yahay marinada ugu waa weyn ee Muhaarijiinta looga gudbiyo dalka Libya, halkaasi oo dhibaato xoogan loogu geysto.

Dalalka Yurub ayaa ballan qaaday in Dowldda Suudaan ay tageero xoogan ku siin doonan sidii ay uga hortagi lahayd kooxahaasi oo ay sheegeen in ay Muhaajiriinta dhibaato xoogan u geystaan, qaarkoodna u iibsada sida Xayawaanada oo kale.