Muqdisho ( Sh.M.Network):-Wasiirka Ganacsiga iyo wafti uu hogaaminayo oo safar shaqo ku jooga dalka Finland ayaa la shiray Wasiirka Ganacsiga iyo Horumarinta ee dalkaas Ms Anne-Mari Virolainen, waxayna isku afgarteen in la xoojiyo xiriirka Ganacsi iyo maalgashi ee Soomaaliya iyo Finland, iyo in Shirkadaha labada wadan yeeshaan Ganacsi wadaag iyo Isdhaafsi Cilmiga iyo Technology-yada Ganacsiga, Wershadaha iyo waxsoosaarka kheyraadka Soomaaliya.

Wasiirka iyo Waftigiisu waxaakale oo ay la kulmeen shirkado iyo Maalqabeeno danaynaya in ay maalgashadaan Soomaaliya.