Muqdisho ( Sh. M. Network )-Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa maanta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula qaatay shaqaalaha xaruntaasi.

Waxaana uu kaga mahadceliyay sidii wanaagsaneyd ee ay ula shaqeeyeen muddadii uu xilka hayay.

Taabid ayaana ka codsaday shaqaalaha in ay garab istaagaan mas’uuliyiinta cusub ee gobolka Banaadir.

Intaasi kadib xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee xamar waxaa yimid mas’uuliyiinta magaacaban oo uu hor kacayay guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho Eng C/raxmaan Cumar Cismaan “Yarisow”, kuwaas oo si Wadjir ah u kormeeray qeybaha ay ka kooban tahay xarunta Maamulka gobolka.

Waxaan intaasi kadib guddoomiye Yarisow iyo ku xigeenadiisa loo waday qaar ka mid ah xarumaha Maamulka gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka maamulka gobolka C/fitaax Cumar Xalane ayaa ka warbixiyay Kormeerka mas’uuliyiintaasi.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.