Muqdisho ( Sh. M. Network )-Taabid Cabdi Maxamed Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, Ahna Duqa Muqdisho oo maanta shir Jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheeciyay xilliga rasmiga ah ee la qaban doono Shirweynaha Nabadeynta G/Banaadir.

Waxaana uu sheegay in la qaban doono Shirweynahaasi 28-ka Bishan Janaayo ee Sanada 2018.

Guddoomiye Taabid ayaa sheegay in shirkan uu leeyahay muhiimad gaar ah, islamarkaana looga hadli doono Nabadda iyo horumarka Magaalada Muqdisho

7-dii bishan ayaa la faliyay in uu furmo shirweynahan, balse uu dib u dhac ku yimid sababo la xariira arrimo farsamo aawgood.