Sanca (Sh. M. Network)- Qm ayaa shaaca ka qaaday in dadka wax Tahriibiya ay si kas ah u Quusiyeen ku dhawaad 50 Qof oo isugu jira Soomaali iyo Ethiopian, kuwaasi oo lagu daadiyay Xeebaha Dalka Yamen.

Hay’adda Socdaalka Aduunka ee loo yaqaano IOM ayaa sheegtay in ka badan 120 Qof  oo Tahriibayaal ah lagu Qasbay in ay isku tuuraan Biyaha dalkaasi Yamen Arbacadii la soo dhaafay .

Shaqaale gargaar oo u shaqeeya Hay’ad Samafal ayaa Meydadka 29 Qof  oo Tahriibayaal ah ka soo saaray Xeeb ku taala Wadanka Yamen.

Meydadka Muhajiriintan ayaa waxaa lagu Aasay Qabuuro waa weyn oo ku yaala dalkaasi, waxaana ay u muuqataa in halkaas ay ku Aaseen Dad kale oo badbaaday.

Sidookale in ka badan 20 kale oo Tahriibayaal ah ayaana la ogeyn halka ay Cirib iyo Jaan dhigeen.

Inta badan dadka Tahriibiya Muhaajiriinta ayaa ah kuwa aan xil iska saarin Nolosha Tahriibayaasha, iyadoona ay xusid mudantahay in 100 laal Soomaali ah Dooni ay kula degtay Biyaha u dhaxeeya Dalalka Liibiya iyo Talyaaniga.

Waxaana Qm ay shaacisay in dadkaasi Geeridooda ay ka danbeysay, kadib markii la soo saaray Dooni aan Tayo wanaagsan lahayn.