Muqdisho ( Sh. M. Network )-Madaxa Howlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM Ambassador Francisco Caetano Madeira oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Xalane ayaa ka hadlay xaaladda ammaan ee guud ahaan Soomaaliya.

Waxaana uu sheegay ammaanka Dalka haatan uu yahay mid soo hagaagayo, isagoona soo dhaweeyay dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab ee uu ku dhawaaqay madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale Ambassador Francisco Caetano Madeira Madaxa Howlgalka AMISOM ayaa sheegay in ay bilaabi doonaan qorshahooda ka bixitaanka Soomaaliya, isaga oo tilmaamay in dhawaan 1000 askari oo ka mid ah ciidamada AMISOM ay bixi doonaan, kuna laaban doonaan Dalalkii ay ka yimaadeen.

Waxaana uu shaaca ka qaaday in arrintaasi aysan saameyn ku yeelan doonin Nabadda iyo Xasiloonida Soomaaliya, balse ay si farsameysan uga bixi doonaan gudaha Soomaaliya.

Hadalkan ka soo baxay AMISOM ayaa ku soo aadayo, xilli weli Dalku uu ku jiro marxalad dagaal, islamarkaana madaxweynaha Soomaaliya bishii hore uu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al Shabaab, si looga saaro guud ahaan dalka.