Muqdisho ( Sh. M. Network )-Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen Nin la sheegay in uu Kufsi ka geystay duleedka Waqooyi ee M/ Muqdisho.

Gaashaanle Sare Maxamuud Xuseen oo ah Taliyaha qeybta bari ee Booliska ayaa tilmaamay in ruuxaasi ay ka soo qabteen deegaanka Gubadley ee duleedka Muqdisho.

Waxaana uu intaasi ku daray Taliyuhu in Ninkaasi uu isticmaalayay waxyaabaha Maanka Dooriya, sidoo kalena uu iibanayay.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.