Muqdisho ( Sh. Network )-Taliyaha Ciidamada nabad ilaalinta Midowga Africa ee Somalia General Jim Bisigye ayaa amray in la bilaabo howlgal ay iska kaashanayaan Ciidamaada dowladda iyo Kuwa AMISOM, kaas oo ka dhan ah Xarakada Al Shabaab.

Taliyaha ayaa tilmaamay in wixii haatan ka dambeeya ay si wadajir ah u howlgali doonaan Ciidaamada Xoogga dalka iyo kuwa AMISOM, taas oo uu sheegay in wax weyn ay ku soo kordhin doonto nabadeynta Somalia.

Sidoo kale Mr Bisigye ayaa tibaaxay in wada shaqeyn dhow oo dhexmarta Ciidamada AMISOM iyo kuwa DFS ay door muhiim ah ka ciyaari doonto qorshaha kala guurka ee Ciidamada Midowga Africa ay ammaanka dalka ugu wareejinayaan kuwa Somalia.

Taliyaha Ciidanka AMISOM ayaa dhawanrtani  booqday xarumo kala duwan oo ay ku sugan yihin Ciidamaad AMISOM, sida magaaloyinka Baydhabo, Baladweyne, Jowhar iyo saldhigga Balidoogle ee gobolka Sh/ Hoose.

Talabadan ayaa imaaneysa, xilli Qaramada Midoobay ay dhawaantani waqtiga u kordhisay Ciidanka AMISOM ee ka howgala Somalia, tan  iyo sanadka 2019-ka.