????????????????????????????????????

Kismaayo ( Sh. M. Network )-S/gaas C/Wali Jaamac Xuseen Gorod taliyaha Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed iyo saraakiil uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Taliye Gorod iyo wafdigiisa ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG maamulka Jubbaland.

U jeedka socdaalka taliyaha ayaa la sheegay in uu la xariiro booqasho uu ka tagayo deegaanadii dhawaan Ciidamada dowladdu ay kala wareegeen Al Shabaab.

S/gaas C/Wali Jaamac Xuseen Gorod ayaa la filayaa in kulamo kala duwan uu la qaato madaxda ugu sarreysa ee maamulkaasi oo uu kala hadli doono dagaallada ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda gobollada Jubbooyinka.

Ciidamada dowladda oo garab ka helayo kuwa Mareykan ah ayaa muddooyinkii dambe dhaq dhaqaaqyo ka waday duleedka Kismaayo xarunta gobolka Jubbada Hoose.