Afgooye ( Sh. M. Network )-Xilli dhawaan Xarakada Al Shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa halkaasi booqday Taliyaha ciidanka Xoogga Jeneraal Maxamed Axmed Jimcaale “Cirfiid”, kaasi oo kulan la qaatay saraakiisha ciidamada dowladda ee deegaankaasi.

Waxaana ay ka wada hadleen xaaladda ammaanka ee Gobolka Shabeelaha Hoose iyo sida loga hortagi karo weerarada dagaalyahannada Al Shabaab ay ka geystaan Gobolkaasi.

Sidoo kale Taliyaha ciidanka Xoogga Jeneraal Maxamed Axmed Jimcaale “Cirfiid” ayaa warbixin guud ka dhageystay saraakiisha ciidamada dowladda ee ka howlgala Gobolkaasi,

Waxaana uu sheegay taliye Cirfiid in warbixintooda uu u gudbin doono Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya, si wa looga qabto dhibaatooyinka heysta ciidamada dowladda ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Xarakada Al Shabaab ayaa dhowr jeer weeraro xoogan ka fuliyay Gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana weerarkii ugu dambeeyay ay ku qaadeen deegaanka Bariire, halkaasi oo ay ku dileen ku dhawaad 20 Askari.