Gaalkacyo ( Sh. M. Network )-Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas C/wali Jaamac “Gorod” ayaa kulamo Nabadeed ka wada magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Waxaana maanta waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshda labada maamul ee Galmudug iyo Puntland uu kulan kula qaatay magaaladaasi.

Taliye Gorod ayaa kala hadlay shacabka, sidii looga hortagi lahaa xiisadaha colaadeed ee ka jira guud ahaan gobolkaasi Mudug.

Waxaana uu sidoo kale ugu baaqay shacabka ku dhaqan Gaalkacyo in ay la shaqeeyaan Ciidamada isku dhafka ah ee loo sameeyaan magaaladaasi.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa taliyaha Ciidanka Xoogga dalka uu ku sugnaa M/ Gaalkacyo ee xarunta g/ Mudug, halkaas oo uu ka waday kulamo Nabadeed.