Muqdisho ( Sh. M. Network )-Waxaa caawa si rasmi ah u bilaabanaya Tartan Aqooneedka Bisha Barakeysan ee Ramadaan Shabakadda Warbaahinta Shabelle, kaas oo soo geli doono saacadu marka ay tahay 10:00-ka Habeenimo.

Tartanka oo ah mid xiiso badan ayaa waxa ka qeyb galaya degmooyinka gobolka Banaadir oo ku loo lami doona dhinaca Aqoonta.

Illaa 4 Group ayaa loo qeybiyay degmooyinka, iyadoona Group walba ay ku wada jiraan illaa iyo 4 degmo.

Degmooyinka Dayniile iyo Howlwadaag ayaa nasiib u yeeshay in Caawa lagu bilaabo Tartanka, sida u sheegay gudigga Tartan Aqooneedka Idaacadda Shabelle.

Tartamayaasha labada degmo ee Dayniile iyo Howlwadaag ayaa wada diyaar garowgii ugu dambeyay, iyadoo degmo walba ay isku diyaarineyso guusha Tartanka.

La arkii doonee degmada badisa Deyniile iyo Howlwadaag oo haatan u tafa xeydanaya ka qeyb galka Tartanka Caawa.

Sanadkani waxaa Tartan Aqooneedka Shabakadda Warbaahinta Shabelle taaba gelineysa Jaamacadda Caalamiga ah ee Jobkey.