Muqdisho ( Sh. M. Network )-Tartankani Qur’aan akhriska ah ayaa waxa uu u dhexeeyay illaa iyo 91 arday oo ka kala socday 41 dugsi oo ku yaalla gudaha M/ Muqdisho.

Tartankan ayaa labadii isbuuc ee la soo dhaafay ka socday Masjidul Nuur oo ku yaalla degmadaasi, iyadoona shalay lagu soo gabagabeeyay Masjidkaasi.

Waxaana tartanka uu ka koobnaa illaa 3 qeybood oo kala ah 15 jus, 10 jus iyo 5 jus oo ka mid ah Qur’aanka Kariimka.

Ardayda kaalmaha hore ka galay tartankan qiimaha badan ayaa waxaa lagu abaalmariyay lacago, moobeelo iyo wax la’is guddoonsiiyo waxa ugu kheyrka badan oo ah kalaamka Alle.

Sheekh Xasan Maxamed Nuur Siidii oo ka mid ah guddigii tartanka oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in tartankan ay soo wadeen muddo 3 sano ah.

Tartamada nuucan ee lagu dhiira geliyo ardayda ayaa inta badan la qabtaa bisha barakeysan ee Ramadaan, waana kan ugu kheyrka badan wax lagu tartamo.

Halkan hoose ka dhageyso Warbixinta.