Ankara ( Sh. M. Network )-Ciidamada ammaanka dalka Turkiga ayaa maanta gacanta ku dhigay 224 Qof oo muhaajiriin ah kuwaasi oo ay ku jiraan Soomaali.

Laamaha ammaanka ee dalkaasi ayaa sheegay in dadkaasi oo ah kuwo sharci a’aan ah ay ku soo qabteen howlgallo ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah waqooyi galbeed ee Turkiga.

Sidoo kale saraakiisha ayaa tilmaamay in dadkaasi ay geeyeen saldhigyo Boolis, halkaasi oo haatan su’aalo lagu weydiinayo muhaajiriintaasi.

Dadkani muhaajiriinta ah ayaa la sheegay in ay qorsheynayeen in ay Turkiga uga sii gudbaan dalalka kale ee QaaraddaYurub

Muhaajiriinta gacanta lagu dhigay ayaa ka soo kala jeeda dalalka Syria, Somalia, Pakistan, Libya, Algeria, Palestine, Iraq, Iran, iyo Morocco.

Ma’ahan markii ugu horreysan ee Turkiga lagu qabto Tahriibayaal ay ku jiraan Soomaali oo ku sii jeeday dalalka Yurub.