Ankara ( Sh. M. Network )-Baarlamaanka dalka Turkiga ayaa muddo kordhin dheeraad ah u sameeyay Ciidamadooda ku Sugan Soomaaliya iyo xeebaha gacanka cadmeed ee Yemen.

Kulankani gaar ka ah oo maalinimadii Arbacada ahayd ay yeesheen Baarlamaanka dalkaasi ayey ku ogolaadeen in waqtiga loo kodhiyo Ciidamadooda ka howlgala Soomaaliya illaa bisha 10-ka Feberaayo Sanada 2019 -ka.

Ansixintani ayaa noqoneysa tii ugu horreysay oo ay sameeyaan Baarlamaanka dalka Turkiga, tan Sanadi 2008- dii.

Gacanka Cadmeed ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Yemen ayaa waxa mara afarta marin ee ugu istaraatiijisan Adduunka dhanka socdaalka Biyaha.

Dhawaan ayey ahayd markii Turkigu uu Soomaaliya ka furtay Saldhig milateri midkii ugu weynaa ee uu ku yeesho meel baxsan dalkiisa, kaas oo halkii mar lagu tababari karo dhowr kun oo Askari.