Kampala ( Sh. M. Network )-Taliyaha Ciidamada dhulka ee Dalka Uganda Major Gen.Peter Elwelu ayaa xusay in dagaalyahannada Al Shabaab khatar weyn ay ku yihiin ammaanka Soomaaliya oo ay ka wadaan weerar khasaaro geysta.

Isagoo ka hadlayay xero Ciidan oo ku taalla Dalka Uganda laguna kala badalayay Ciidamo ka tirsan Uganda oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ayuu sheegay in loo baahan yahay in Ciidamada cusub ee la geynayo Soomaaliya ay ka feejignaadaan halista Al Shabaab.

Gen Peter ayaa intaasi ku daray in Ciidamada Uganda ay u diyaarsanyihiin ka hortagista iyo howlallada ka dhanka ah Al Shabaab.

Taliyaha ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM ay dardar gelinayaan la shaqeynta Ciidamada Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo lagu wado in ammaanka Dalka ay kala wareegaan AMISOM.

Al Shabaab ayaa weli Soomaaliya ka wada weeraro ay ku qaadaan xarumaha Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.