Kampala ( Sh. M. Network )-Dowladda Uganda ayaa sheegtay in ciidamada ugu horreeya ee ka tirsan howlgalka AMISOM ee ka baxaya Soomaaliya ay noqonayaan ciidamadeeda, islamarkaana aysan jiri doonin dal kale oo ka hor mari doono.

Afhayeenka Milateriga Dalka Uganada Richard Karemire ayaa sheegay in ay qorsheynayaan in 6,000 oo askari oo ka mid ah howlgalka AMISOM in ay ka soo baxaan soomaaliya 31 Bisha December ee Sandkan, sida u dagsan Midowga Afrika iyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Taliye Richard ayaa xusay in Qaramada Midoobay ay qorshaynayeen in la kordhiyo Waqtiga  ciidanka AMISOM ay sii joogayaan Soomaaliya, balse haddii ay yahiin dalalka ciidamada ku deeqay ay raacayaan qorshaha Midowga Afrika iyo hananka ay doonayaan in ciidamada AMISOM ay uga baxaan Soomaaliya, islamarkkaana lagu wareejiyo Amaanka Soomaaliya ciidamada Xoogga Dalka.

Hadalkan ayaa imaanaya, xilli maalin ka hor Waakiilka Midowga Afrika ee howlgalka AMISOM Ambassador Ambassador Francisco Madeira uu sheegay ciidamada AMISOM ay isaga hayaamayaan Soomaaliya, islamarkaana 1000-ka askari ee ugu horreeya ay baxi doonaan 31 December ee Sanadkan 2017.