Madaxa hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay ee dalka Yemen ayaa dowladda Isutaga Imaaraadka Carabta ku amaanay gargaarka beni’aadinimo oo ay gaarsiiyeen kumanaan Somali ah oo ku sugan dalkaasi.

UNHCR ayaa sheegtay in raashiin gargaar ah dhawaan Ururka Bisha Cas ee dalka Imaaraadka uu gaarsiiyey Somali badan oo ku jira xerada Qaxootiga ee Basaatiin oo ku taala Koofurta Dalkaasi.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay kumanaan Qaxooti Somali ah ay xilligaan ku tabaaleysan yihiin qaybo ka mid ah dalka Yemen oo weli ay ka socdaan dagaalo iyo colaado xoogan.