Dhadhaab ( Sh. M. Network )-Laanta qaxootiga Qaramada Midoobay ee UNHCR ayaa sheegtay in boqolaal qaxooti Soomaali ah oo ka yimid xeryaha Dhadhaab dalka kenya ay dib ugu celisay Soomaaliya.

Sarkaal ka tirsan guddiga qaxootiga Qaramada Midoobay ayaa xusay in Qoysaskaasi oo tiro ahaan gaarayay 341 ruux ay si nabad gelyo ah uga soo gudbeen xadka dalka Kenya.

UNHCR ayaa sheegtay in tiradaasi qaxootiga Soomaalida ah safarkooda uu ahaa dhinaca dhulka,waxaana ay soo gaareen magaalada Dhoobley oo qiyaastii dhowr kiilo mitir u jirta xadka Kenya.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in safarkaasi uu ahaa kii ugu horreeyay oo dhinaca dhulka ay ku soo gudbeen qaxootiga ka imaanaya xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya illaa iyo bishii march ee sanadkan.

Hay’adda qaxootiga QM ayaa shaaca ka qaaday in 81,111 qof oo qaxooti Soomalai ah ay dalka dib ugu soo celisay illaa iyo markii uu bilowday qorshaha dib u soo celinta qaxootiga

Dowladdaha Kenya, Soomaaliya iyo hay’adda UNHCR ayaa sanadkii 2013-kii ku heshiiyay qorshe dib loogu soo celinayo dalkooda boqolaal kun oo ah qaxootiga Soomaalida ah ee ku jira xeryaha Dhadhaab ee dalkaasi Kenya.