Muqdisho ( Sh. M. Network):-Waaxda Warfaafinta Madaxtooyada Somalia ayaa maanta deeq Lacageed guddoonsiiyay qaar ka mid ah Agoontii ay ka geeriyoodeen Suxufiyiintii lagu dilay Magaalada Muqdisho.

Kulankaan ayaa waxaa ka soo qeyb galay qaar ka mid ah Madaxda Warbaahinada Madaxa banaan , Ehellada Marxuumiintii Geeriyooday iyo Caruurtooda iyo Suxufiyiin intaba.

Abuukar Sheikh Maxamud ( Abukar SKY ) Agaasimaha Guud ee Idaacadda Shabelle oo kulankaasi ka hadlay ayaa xusay in Muhiim ay tahay in mar weliba La xasuusto Agoonta , isagoo si gaar ah u xusay in ka Maamul ahaan aysan illoobi doonin Agoonta Wariyayaashii laga dilay Shabakadda Warbaahinta Shabelle oo badi Wariyayaasha la dilay ay kuweeda ahaayeen.

Cabdirisaaq Jaamac Cilmi Black oo ah Madaxa Xiriirka Warbaahinta Madaxa banaan ee Madaxtooyada ayaa ka codsaday Suxufiyiinta iyo Malkiilayaasha Warbaahinta , in la sameeyo Sanduuq wax loogu Aruurinayo Agoontaan , islamarkaana Garabka kaliya ay haystaan yihiin Warbaahinta Soomaaliyeed.

Inkabadan100 Caruur  Agoon oo ay ka geeriyoodeen Saxafiyiin Soomaaliyeed ayaa la siiyay deeqdaan Lacageed , waxaana ay sheegeen in wajiga Labaad ee Tabarucaadaan la gaarsiin doono Agoonta Wariyayaashii lagu dilay Gobollada dalka Somalia.